Taliska Booliska oo sheegay in dad loo soo qabtay falkii foosha xumaa ee saaka ka dhacay Baydhabo

Date:

War qoraal ah oo ay soo saareen taliska booliska ayaa lagu sheegay in falkii lagu gowracay labo carruur ah oo walaalo ah loo soo qabtay dad lagu tuhmayo, kuwaasi oo ay ku socoto baaritaanno dheeraad ah, isla markaana cadaaladda la horgeyn doono haddii ay ku cadaato falkaasi.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Taliska booliska ayaa sidan u qornaa:-

Shalay 07th-Apr-2021, ayaa Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, lagu soo wargeliyay in la waayay 2 carruur ah oo deganaa Xaafadda Cadaada ee magaalada Baydhabo, carruurtaas oo lagu kala magacaabi jiray :-

1- Cabdimuni Sheekh Aweys Cabdullaahi &

2- Aamina Sheek Aweys Cabdullaahi.

Warbixinta oo la soo gaarsiiyay Booliska ayaa sababtay in la geliyo diiwaanka, baafinta Booliska iyo idaacadaha magaalada Baydhabo.

Saaka 08th-Apr-2021, ayaa markale Boolisku ka warheleen in meydka carruurta oo gowracan la soo dhigay Xaafadda Suuqa-Xoolaha ee magaalada Baydhaba.

Haddaba, waxaa socota baaris qoto-dheer oo ay wadaan Ciidanka Booliska, iyadoo dad lagu tuhmay loo soo xiray arrintaan, walow ay baaristu weli socoto, ciddii ay ku cadaatana Garsoorka awoodda u leh lawaafajin doono.

Waxaan uga tacsiyeeyneynaa, Xildhibaan hore Aweys Sheek Cabdulahi falkaas foosha xun iyo geerida ku timid carruurtiisa, waxaana ilaahay uga rajeynaynaynaa inuu qalbiga u qaboojiyo, Samir iyo iiman ka siiyo, baddal qeyr qabana siiyo.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...