Wafdi ka socda Galmudug oo kormeeray dekadda magaalada Hobyo+(SAWIRRO).

Date:

Wafdi ka socda Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay Dekadda Degmada Hobyo, halkaasi oo ay ku soo xiratay Dooni Ganacsi muddo bil gudiheed ah, iyagoo kormeer indha indhayn ah ku sameeyey dhismaha dekadda Hobyo iyo qaabka wax uga dagayaan halkaasi.

Wafdigaan ayaa waxaa hor kacayay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Galmudug oo ay wehlinayaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda, mas’uuliyiin kale iyo maamulka Degmada Hobyo.

Maareeyaha Dekadda Habyo Cabdirisaaq Maxamed Ducaale iyo Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka Hobyo ayaa ku soo dhaweeyey dekadda wafdiga ka socday Galmudug, iyagoo warbixin ka siiyay howlaha ka socda dekadda magaalada Hobyo.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Galmudug Muqtaar Cali Cismaan iyo Wasiiru dowlaha Wasiiradda Gaadiidka, Cirka iyo Dhulka Abshir Cabdi Sheekhow ayaa sheegay in dowlad Goboleedka Galmudug ay ganacsatada u samaynayso canshuur dhaaf, si loogu dhiiri geliyo in degaankooda maalgashtaan.

Magaalada Hobyo ayaa waxaa ka socda howlo ganacsi oo maalinba maalinka ka dambeeya sii xoogaysanaysa, isla markaana ay ganacsatada Galmudug ku sii dhiiranayaan maalgashiga deegaankooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga oo guddoomiyey shir looga hadlayay dardargelinta howlaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulanka Dowladda iyo Bulshadda Rayidka ah

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Shir u dhaxeeyay Danjireyaasha Wadamada Afrika oo lagu soo gabagabeeyay Magaalada Mombasa

Waxaa Magaalada Mombasa lagu soo gaba-gabeeyay shir wada-tashi ah...

Putin oo soo jeediyay in Rashia iyo Ukraine ay kulan toos ah ku yeeshaan Istanbul

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa soo jeediyay in Ukraine...