Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo ka hadashay dardar gelinta howlaha la tacaalidda COVID-19+(SAWIRRO).

Date:

Kulanka todobaadlaha ah ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo ay maanta wadajir u shir-guddoominayeen Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Axmed Mire Cali “Faafaale” iyo Wasiir Ku-xigeenka  Wasaaradda Caafimaadka Dr. Mahad Caabi Ciise ayna ka qayb galeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiweli Maxamed Axmed, Agaasime waaxeedyada, madax qaybeedyada iyo Isku-duwayaasha Degmooyinka ayaa lagu gorfeeyay xaaladaha Caafimaad ee deegaannada Galmudug, marxaladda dib usoo laabashada COVID-19 iyo in lasii labo jibaaro howlaha Wasaaraddu ay bulshada u heyso.

Kulankan ayaa warbixinno looga dhageystay shaqaalaha kala duwan iyo madax qaybeedyada, kuwaa oo soo bandhigey warbixinada iyo xogaha la uruuriyey todobaadkan ee la xiriira bukaanada laga helay xanuunka COVID-19, tirada baaritaanada la sameeyay iyo xaaladaha rasmiga ah ee ka jira xarumaha waaweyn ee hore loogu qorsheeyay in ay qaabilaan dadka uu soo rito Xanuunka sida dhaqsida leh ku faafa ee COVID-19.

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa sidoo kale shaacisay in 48-kii saac ee ugu dambeeyay la diiwaan galiyey labo qof oo uu soo ritay xanuunka COVID-19, kuwaa oo baaritaanka ku marey magaalada Samareeb ee xarunta Galmudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...