Faadumo Cali Nakruma oo Muqdisho ku geeriyootay

Date:

Allah u naxariistee, waxaa maanta isbitaalka De Martini ee magaalada Muqdisho ku geeriyootay Fanaanadda weyn Faadumo Cali Nakruma, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka isbitaalkaa.

Nakruma waxay kamid aheyd hoboladda qaranka ee Waaberi, waxayna u geeriyootay xanuunka COVID-19, sida ay xaqiijiyeen dhakhaatiirta isbitaalka.

Fanaanadda qaranka Nakruma waxay muddo 20 sano ka badan ku nooleyd qurbaha dhowaan ayay go’aansatay in ay dalkeeda ku soo laabatay. Waxaa geerideeda ka tacsiyeeyay madaxda, Fanaaniin iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed.

Allah u naxariistee, Nakruma waxay kamid aheyd gabdhaha udub dhexaadka u ahaa fanka Soomaaliyeed, iyadoo muddo dheer ku jirtay fanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qeybgalay Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo yeeshay kulan doceed

Addis AbabA- Intii uu socday Kalfadhiga 49-aad ee Golaha...

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Cambaareyneysaa Weerarradii lala Beegsaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

War-saxaafadeed.Muqdisho, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa...

Ciidanka Xoogga Dalka goor oo dib ula wareegay deegaanka Sumadaale

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa goordhow howlgal qorsheysan dib...