Wasiirka Difaaca XFS oo kormeeray Xarunta Idaacadda Ciidamada Qalabka sida+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji  ayaa kormeer shaqo ku tagay Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida (SNA Radio), wuxuuna kulan la qaatay Maamulka iyo Shaqaalaha Idaacadda Ciidamada Qalabka sida.

Sidoo kale, Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa  Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka kula kulmay Masuuliyiinta Wasaaradda oo uu ugu horeeyo Wasiirka warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe, iyagoo ka wada hadlay Tayeynta iyo Horumarinta Warbaahinta ku hadasha Afka Ciidamada Qalabka Sida.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in dadaal muuqda iyo Horumar la taaban karo idaacadda Ciidamada ay sameysay mudadii ay jirtay.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa ugu mahadceliyay shaqada adag ee qaranka ay u hayaan Shaqalaaha iyo howlwadeenada Idaacadda SNA Radio, isagoo tilmaamay in muhiimad gaar ah ay siinayaan Idaacadda ,wuxuuna hambalyo ku aadan Maalinta Raadiyaha Aduunka uu la wadaagay Shaqaalaha SNA Radio iyo Dhammaan idaacadaha  ku hadla afka Soomaaliga.

Si kastaba Wasaaradda Gaashandhigga XFS ayaa wada dadaalo Lagu horumarinayo Warbaahinta Ciidamada Qalabka sida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dib-u-dhiska xarunta Degmada Shingaani

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed...

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa...

Duqa Muqdisho oo la kulmay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo la kulmay Culimada Soomaaliyeed

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...