Ingiriiska oo sheegay in 13.5 milyan oo qof laga Tallaalay COVID19.

Date:

Britain waxaa la sheegayaa in ay  dhowdahay  inay gaarto hadafkii ay tiigsanay bartamaha bishan Febraayo,  kaasi oo ah in xanuunka COVID 19,  laga tallaalo 15 milyan oo ka mid ah kooxaha u nugul ee ku hawlan ka hortaga fayraska Corona, taasi oo horseedi karto yareynta faafitaanka xanuunkan.

In ka badan 13.5 milyan oo qof ayaa la tallaalay tan iyo markii barnaamijka tallaalka ugu weyn taariikhda UK laga bilaabay horraantii  bishii Diseembar ee sanadkii tagay, celcelis ahaan 431,323 qof ayaa helayay maalin kasta intii uu socday Tallaalkan.

Ra’iisul wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa balan qaaday inuu talaalayo dhamaan dadka ku taxan afarta qaybood ee mudnaanta leh, oo ay ku jiraan dadka  ay da’dooda ay ka weyntahay 70-ka sano, dadka degan guryaha daryeelka iyo qaar ka mid ah shaqaalaha muhiimka ah.

Dhanka kale, Xukuumadda Welsh, oo si madaxbanaan u wadata siyaasadeeda caafimaadka, ayaa sheegtay inay ku guuleysan doonto hadafkeeda ah talaalka afarta koox ee mudnaanta la siinayo.

Tirooyinku waxay muujiyeen in qiyaastii 22% dadweynaha Wales ay heleen tallaal, marka la barbardhigo dadka England tallaalkan helay 20.3%, sidokale reer Scotland ayaa dhankooda helay 19.2%,  halka dadka  Waqooyiga Ireland ku nool ay Tallaalkan ka heleen 18.7%.

Johnson  wuxuu ballan-qaaday inuu dib-u-eegi doono dhammaan xogta khuseysa  Tallaalkan, ka hor inta uusan sameynin  waddada ay dowladdiisa ku wajaheysa xanuunkan bilaha soo socda.

“Waxaan horumarin doonaa qaab kale oo loo wajahayo yareynta  faafitaanka xanuunkan,  taas oo ay ku jiri doonto qorshayaal dib u furida Iskuulada.” Sidaas waxaa warbaahinta usheegay Af hayeen u hadlay Boris Johnson.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Socdaalka Soomaaliya oo bilaabi doontaa adeegga E-VISA laga bilaabo 1-da Sebteembar 2025

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah...

Soomaaliya iyo Kazakhstan oo kala saxiixday heshiis Diblomaasiyadeed

Maamulka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Türkiye ayaa...

Madaxweynaha KGS oo shir guddoomiyay kulanka golaha Wasiirrada ee Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo is-afgarad oo ku saabsan xoojinta difaaca dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...