Ciidanka Xoogga dalka oo howl-gal ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay Gobolka Gedo.

Date:

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howl-gallo kala duwan ka sameeyeen degaanno ka tirsan gobolka Gedo, kaas oo Amniga lagu xaqiijinayay.
Howl-galka oo uu hoggaaminayay Taliyaha Ciidamada Nabad-sugida Degmada Luuq Xasan Aadan Muqtar ayaa Ciidamada waxaa ay ka sameyeen degaanno hoostaga degmada luuq, halkaas oo mararka qaar lagu arko Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Saraakiisha Ciidamada ma shaacin waxyaabo lagu soo qabtay inta uu howlgalka socday, hayeeshee ay sheegeen in uu ahaa mid lagu xaqiijinayay Amniga degmada luuq iyo degaannada hoostaga.
Taliyaha Ciidamada Nabad-sugida Dagmada Luuq Xasan Aadan Muqtar ayaa waxaa uu sheegay howl-galada ay noqn doonaan kuwo joogto ah oo sii socon doona ila iyo Al-Shabaab laga saarayo degaannada hoostaga degmada luuq.
Degmooyin iyo degaanno ka tirsan gobolka Gedo ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro ay geystaan Al-Shabaab, halka mararka qaar Ciidamada dowladda ay fuliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....