Joe Biden oo soo saaray qodobbo la xiriira qoysaska soogalootiga ah iyo kuwa magangelyo doonka ah.

Date:

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa saxiixay sadex qodob oo la la doonayo in lagu mideeyo caruurta iyo dadka muhaajiriinta ah ee lagu kala qeybiyey siyaasaddii maamulkii hore ee Donald Trump.

Qodobada la saxiixay ayaa waxaa kaloo ku jira in dib-u-eegis lagu sameeynayo  barnaamijka dadka soo galootiga ee isaga ka horreeyey

Amarada Mr Biden waxaa sidoo kale ka mid ah in la sameeyo guddi isku daya inay mideeyaan carruur lagu qiyaasay 600-700 ee weli ka maqan qoysaskooda.

“Ma sameynayo sharci cusub ee waxaan tirtirayaa siyaasad xumida ka dhanka ah qoysaska dadka soo galootiga ah iyo kuwa magangalyo doonka ah”ayuu yiri Biden Madaxweynaha Mareykanka

Maamulkii hore ee Donald Trump ayaa sanadihii 2017-18. Waxa uu kala qrybiyay ama kala soocay dadka waaweyn ee aan sharciga lahayn iyo caruurta xilli ay doonayeen in ay ka soo tallaabaan xadka Mareykanka uu la wadaago Mexico.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka qeybgalay munaasabad isugu jirtay soo-dhaweyn iyo sagootin Aas-aaska Ciidanka Booliska

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Muqdisho ka Furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee...

Munaasabada xuska ciidanka Booliiska oo goordhow ka bilaaban doonta Muqdisho

Waxa maanta oo ah 20-ka bisha disember si weyn...