Howlgal ka dhacay gobolka Baay oo lagu khaarijiyay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Date:

Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa Koonfur Galbeed ayaa weerar ku qaaday deegaanka Seydheelow oo ka tirsan gobolka Bay,halkaasi oo ay maleeshiyada Al-ย ย ย ย ย ย ย ย  Shabaab ay ku dhibaataynayeen shacabka.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bay ee Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Gaashaanle Sare Amiin Maxamed Daruur oo la hadlay Wakaaladda (SONNA) ayaa sheegay in khasaare dhimasho iyo dhaawac ay halkaasi ugu geysteen koxda Al-Shabaab,ayna deegaanka iminka ay gacanta ku hayaan.

โ€œHowlgalkan waxaa qaaday ciidankeena,waxaana uu ka dhacay deeganaak Seydheelow,waxaa halkaasi lagu dilay 7-ka tirsan argagixisada Al-Shabaab,deegaankana hadda waxaa gacanta ku haya ciidanka dowladda,shacabkuna waa laga dulqaaday dhibtoodaโ€. Ayuu yiri taliye Amiin.

Deegaanka uu dagaalka ka dhacay oo qayaas ahaantii 35 KM dhanka Waqooyi kaga began magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa horey ugu sugnaa maleeshiyada Alshabaab.

Taliyaha qeybta ayaa xusay in weerarka ay ku qaadeen deegaanka Seydheelow ay ka dambeysay kadib markii shacabka deegaanka uu codsi kaga yimid si looga dulqaado dhibaatada ay kala kulmayeen argagixisada.

Maleeshiyada Alshabaab ayaa dhibaato ku haaya shacabka,iyagoo badeecada gaadiidka saaran ay kagubaan si ay nolosha ugu ciriiriyaan dadaka,balse ciidanka xoogga dalka ayaa wada howlgalo ka dhan ah alshabaab meelaha ay kaga sugan yihiin gobolada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...