Deg Deg :Dowladda Soomaaliya oo ka hortagtay hub sharci daro ah oo dalka la soo gelin rabay

Date:

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay xogo muhiim ah ku heshay in hay’ado ajanebi ah, waddamo shisheeye iyo dad Soomaali ah oo isbahaystay ay maalmahan isku deyeyeen in ay hub culus iyo rasaas sharci darro ah soo geliyaan Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, iyada oo aan haba yaraatee waxba lagala socodsiin, ogolaanshana aan laga haysan hay’adaha kala duwan ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxa ay leedahay nidaam adag iyo habraac sugan oo loo maro soo gelitaanka hubka illaa meesha uu ka yimaaddo illaa barta ugu dambaysa ee lagu kaydiyo. Nidaamkaas ayaana maanta u sahlay in Dowladdu ogaato isna hortaagto hubkaas sharci darrada ah ee la rabay in la soo galiyo Dalka

Dowladda Federalka Soomaaliya qorshahan la rabay in Dalka lagu soo geliyo hub sharci darro ah iyo wax kasta oo khalkhal gelinaya nabadda iyo xasiloonida Dalka waxa ay u aragtaa duulaan lagu soo qaaday madaxbanaanida iyo xasiloonida Dalka. Mowqif adagna way iska taagaysaa.

Xukuumadda Federalka Soomaaliya waxay baaritaan ku haysaa hubkaas culus iyo rasaastaas sharci darrada ah ee Dalka la soo gelin rabay, meesha loo waday, meesha laga soo dhiibay iyo ujeedka laga lahaa

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...