Wasaaradda qorsheynta XFS oo soo bandhigtay qorshaha cusub ee WFP sanadaha 2022-2025+(SAWIRRO).

Date:

Wasaaradda qorsheynta maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha dowladda Soomaaliya  ayaa dib u eegista muddada dhexe  ee qorshaha hay’adda Cunatada Aduunka (WPP-Soomaliya) oo lagu saleenayo qorshaha horumarinta Qaranka ayaa  ka dhacaya magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb-galay qaar ka mdi ah wasaaraddaha dowladda ee  wada shaqeynta kala dhaxeeyso hay’addan,

Kulanka waxaa lagu soo bandhigay  waxa ka qabsoomay qorshaha ICSP 2019/2021, iy qorshaha cusub 2022/2025 ee hay’adda cuntada  Aduunka(WFP-Somalia) iyo qorshaha kaga aadanaa  Somaaliya , sidoo kale waxaa lays la eegay caqabadahii ka  dhashay qorshe howlaadkii sanadaha 2019/2020, iyo sida looga faa’iideysan lahaa casharadii laga bartay inta  lagu guda jiray hirgalinta shaqooyinkii muhiimka ahaa ee Hey’addaa Cunatada Aduunka (WFP-Somaaliya).

Agaasimaha kormeerka iyo qiimeynta wasaaradda qorsheynta maal-gashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxiin Ibraahim Muudeey  ayaa sheegay in caqabadaha  sanadkii hore ay aad u badnaayeen sida Cudurka Korana Farayska, balse waxaa rajeynaa Sanadkan howlaha sida ugu wanaagsan in dalkeenna sida ay yahiin in ay u fulaan sida ku cad Qorshaha horumarinta Qaranka.

Sidoo kale Agaasimaha guud ee wasaaradda qorsheynta maal-gashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha  dowladda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed  Aaadan ayaa sheegay in hay’adaha kala duwan ee dowladda  ujeedinayaa inay hubiyaan  wixii ka qabsoomay  qorshaha Ku meel gaarka ah  isla markaana taladooda ku biiraya  Istaraatijyadda Iyada oo mudnaan la siinayo qoshaha Horumarinta qaranka oo ahmiyadd weyn u leh dalkeenna.

Wadatashigan waxa uu horay  sida oo kale ugu dhacay qaar ka mid ah dowladd gobaleedyada dalka iyado oo ujeedadka yahay si loo xaqiijiyo howlaha ay waddo Hay’adda Cunada Aduunka (WFP-Somalia).

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira howlgal lagu ururinayo...

Danjiraha Soomaaliya ee Geneva oo Ka Qaybgalaya Doodaha Heerka Sare ee Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah.

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Xarunta Qaramada Midoobay...

Tianjin magaalo kulmisay taariikhda iyo tiknoolajiyada mustaqbalka ee Shiinaha

Tianjin, Shiinaha – Magaalada Tianjin ayaa maanta loo aqoonsan...

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...