Dowladaha Masar iyo Qatar ayaa ku heshiiyay inay dib u soo celiyaan xiriirkoodii diblomaasiyadeed.

Date:

Dowladaha Masar iyo Qatar ayaa ku heshiiyay inay dib u soo celiyaan xiriirkoodii diblomaasiyadeed.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar ayaa ku dhawaaqday in Qaahira iyo Doha ay is dhaafsadeen qoraal rasmi ah kaas oo ku saabsan in dib loo bilaabo xiriirkii diblomaasiyadeed ee u dhexeeyay labada dhinac.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Masar ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri: “Iyadoo la fulinaayo balanqaadyadii wada jirka ahaa ee heshiiskii dalka Sacuudiga, waxay Masar iyo Qatar maanta oo arbaca ah is waydaarsadeen qoraalo rasmi ah oo dib loogu soo celinaayo xiriirkooda diblomaasiyadeed.

Labada dowladood ayaa hore isagu fasaxay duulimayaadi hawada oo sedexdii sano ee lasoo dhaafay xirnaa.
Qatar Airways ayaa dib u bilaawday 18 January duulimaadyadeedi dalka Masar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane...

Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa walaac qotada dheer oo...