Guddoomiye Cumar Filish oo xafiiskiisa ku qaabilay danjire ku xigeenka dalka Sweden+(SAWIRRO)

Date:

Guddoomiyaha gobolka Banaadir mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiir ku xigeenka dowlad Sweden u fadhiya Soomaaliya Petra Smitmanis Dry.

Labada masuul ayaa kulankooda uga hadlay kaalinta ay dowlada Swedan ku leedahay dib-udhiska dalka, amniga, taageerida bulshada Soomaaliyeed taas oo qeyb weyn ka ah hormarka dalka  gaara ahaan gobolka Banaadir.

Guddomiyaha gobalka ayaa uga mahadceliayay danjire ku xigeenka Sweden tababbarada ay siiyaan shaqaalaha dowladda hoose ee Xamar  iyo sidii loo dardar galin lahaa Mataaneenta labada magaalo èe Muqdisho iyo Gothenburg.

Safiir ku xigeenka Safaaradda Swedan ee Soomaaliya ayaa ballan qaaday in ay kordhin doonaan taageerada ay siiyaan shacabka gobolka Banaadir, isagoo ku amaanay masuuliyiinta maamulka gobalka Banaadir howlaha ay u hayaan bulshada caasimadd.

Gabogabadii kullankaan ayaa kusoo idlaaday is af-garad iyo dhammaan qodobada la isla soo hadal qaaday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...