Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo ka hadashay qorshayaasha iyo sharuucda marista wadooyinka.

Date:

Iyadoo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ay ku soo badanayaan gaadiidka noocyadiisa kala duwan ayaa Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada xukuumadda federaalka Soomaaliya waxa ay ka hadashay qorshayaasha wasaarada iyo howlaha sharuucda marista wadooyinka oo ay soo saartay wasaaradda kaasi oo la doonayo in lagu dhaqo gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee ka howl gala dalka gaar ahaan caasimadda magaalada Muqdisho.

Wasaaradda gaadiidka iyo Duulista hawada dowladda Soomaaliya ayaa tilmaantay in ay jiraan dadaalo iyo horumaro ay ka sameysay sidii loo bari lahaa gaadiidleyda shuruucda iyo ku dhaqanka ilaalinta nidaamka marista wadooyinka ayna diyaarisay wasaaradda sharcigii wado marista.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cali Gacal Gaabow ayaa ka warbixiyay horumarada waxqabadka iyo qorshayaasha wasaaradda iyo sidoo kale diiwaan galinta gaadiidka waxaana uu sheegay in wasaaradda ay ku guuleysatay in ay diyaarisay sharuucda marista wadooyinka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....