Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo ka hadashay qorshayaasha iyo sharuucda marista wadooyinka.

Date:

Iyadoo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ay ku soo badanayaan gaadiidka noocyadiisa kala duwan ayaa Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada xukuumadda federaalka Soomaaliya waxa ay ka hadashay qorshayaasha wasaarada iyo howlaha sharuucda marista wadooyinka oo ay soo saartay wasaaradda kaasi oo la doonayo in lagu dhaqo gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee ka howl gala dalka gaar ahaan caasimadda magaalada Muqdisho.

Wasaaradda gaadiidka iyo Duulista hawada dowladda Soomaaliya ayaa tilmaantay in ay jiraan dadaalo iyo horumaro ay ka sameysay sidii loo bari lahaa gaadiidleyda shuruucda iyo ku dhaqanka ilaalinta nidaamka marista wadooyinka ayna diyaarisay wasaaradda sharcigii wado marista.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cali Gacal Gaabow ayaa ka warbixiyay horumarada waxqabadka iyo qorshayaasha wasaaradda iyo sidoo kale diiwaan galinta gaadiidka waxaana uu sheegay in wasaaradda ay ku guuleysatay in ay diyaarisay sharuucda marista wadooyinka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...