Guddoomiye Cumar Filish oo xafiiskiisa ku qaabilay danjire ku xigeenka dalka Sweden+(SAWIRRO)

Date:

Guddoomiyaha gobolka Banaadir mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiir ku xigeenka dowlad Sweden u fadhiya Soomaaliya Petra Smitmanis Dry.

Labada masuul ayaa kulankooda uga hadlay kaalinta ay dowlada Swedan ku leedahay dib-udhiska dalka, amniga, taageerida bulshada Soomaaliyeed taas oo qeyb weyn ka ah hormarka dalka  gaara ahaan gobolka Banaadir.

Guddomiyaha gobalka ayaa uga mahadceliayay danjire ku xigeenka Sweden tababbarada ay siiyaan shaqaalaha dowladda hoose ee Xamar  iyo sidii loo dardar galin lahaa Mataaneenta labada magaalo èe Muqdisho iyo Gothenburg.

Safiir ku xigeenka Safaaradda Swedan ee Soomaaliya ayaa ballan qaaday in ay kordhin doonaan taageerada ay siiyaan shacabka gobolka Banaadir, isagoo ku amaanay masuuliyiinta maamulka gobalka Banaadir howlaha ay u hayaan bulshada caasimadd.

Gabogabadii kullankaan ayaa kusoo idlaaday is af-garad iyo dhammaan qodobada la isla soo hadal qaaday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Horjooge Aadan Maxamed Cali Dhaayow ayaa lagu soo qabtay howlgal qorshaysan

Horjooge Aadan Maxamed Cali Dhaayow ayaa lagu soo qabtay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika

-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Shirka maalgashiga qurbejoogta oo Muqdisho ka furmay

Shirka Isku-imaatinka Maalgashiga Qurba-joogta Soomaaliyeed ayaa ka furmay maanta...

DHAMAYSTIRKA DASTUURKA WAA FURAHA XASILOONIDA DOWLADNIMADA

Qareen Mohamed Hassan Nur ayaa waxa uu ka qoray...