Shirka sannad laha ah ee Garsoorka dalka oo ka furmay magaalada Muqdisho

Date:

Shirka sannadlaha ah ee Garsoorka dalka oo ay ka qeyb galayaan hay’adaha cadaaladda heer federaal iyo heer maamul goboleed ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka, Sheekh Saalax Ibraahim Dhiblwaale oo ah garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ayaa sheegay in shirkaan diirada lagu saari doono qodobo ay ka mid yihiin xal u helida Musuq maasuqa, Fulinta xukunada, Been abuurka iyo qodobo kale oo muhiim u ah arimaha Garsoorka.

Shirkaan ayaa waxaa goobjoog ka ah  Hay’adaha Garsoorka Masuuliyiinta qeybta ka ah oo ay kamid yihiin Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Guddoomiyaha maxkamadda sare,Guddiga Cadaaaladda iyo Garsoorka ee Baarlamaanka,  Maxkamadaha gobolka Banaadir, Xafriiska Garyaqaanka, iyo Xafiiska Hanti dhowrka guud ee Qaranka.

Shirka oo socon doona muddo labo maalin ah waxaa sidoo kale ka qeyb gelaya in ka badan 300 oo u badan sharci yaqaano iyo khubaro.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...