Dalka Malawi labo wasiir oo COVID-19 ugu geeriyootay.

Date:

Laba wasiir oo ka tirsan xukuumadda Malaawi ayaa u dhintay xanuunka Karoona Fayras, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta caafimaadka dalkaas.

Wasiirka gaadiidaka Sidiiq Miyaa iyo wasiirka dowladaha hoose Lingson Percanyama ayaa u geeriyooday cudurka karoona Fayras.

Madaxweynaha dalkaas Lazarus Chakwira ayaa ku tilmaamay dhimashada labada wasiir mid khasaaro ugu filan dalka.

Madaxwaynaha ayaa tacsi u diray qoysaskii ay ka baxeen laba wasiir iyo dhamaan shacabka, isagoo ku sifeeyay labadooda wadaniyiin qaali ku ah shacabka iyo dowladda Malaawi.

Madaxwaynaha ayaa ugu baaqay shacabka inay muujiyaan taxaddar dheeraad ah oo ku saabsan u hogaansanaanta tallaabooyinka looga hortegaayo cudurka karoona fayras.
In ka badan 9 kun oo kiis ayaa laga diiwaan geliyay dalka Malaawi, waxaana u dhintay Karoona 235 qof.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Guddiga Qabanqaabada Caleema-saarka

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),...

Madaxweynaha JFS: “DFS waxay qaadi doontaa guluf dagaal oo kama dambeys ah oo dalka looga saarayo Khawaarijta.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Hambalyo Maalinta Xorriyadda Dowladda Mareykanka

Munaasabadda sanad-guurada 250-aad ee Xorriyadda Mareykanka awgeed, Wasaaradda Arrimaha...

Munaasabad lagu taageerayay garsoore Cumar Cartan oo lagu qabtay Nairobi

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo...