Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Khaliif Haashim.

Date:

Kusimaha Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ahna Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland mudane, Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka tacsiyeeyay geerida allaha u naxariistee xildhibaan Khaliif Haashim Nuur Geeddi oo ka tirsanaa golaha wakiillada dowlad goboleedka Jubbaland.

Allaha u naxariistee (AUN) Marxuumka ayaa ku geeriyooday qarax argagixisada Alshabaab ay ugu xireen gaarigiisa sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa guud ahaan shacabka Jubbaland, golaha wakiilada Jubbaland iyo ehelada uga tacsiyeeyey geerida Xildhibaanka,isagoo laamaha ammaanka faray in dabagal ay ku sameeyaan argagixisadii ka dambeysay falkaas si sharciga loo hor geeyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

Muqdisho, Diseembar 16, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda...

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto...

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka...