Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Khaliif Haashim.

Date:

Kusimaha Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ahna Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland mudane, Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka tacsiyeeyay geerida allaha u naxariistee xildhibaan Khaliif Haashim Nuur Geeddi oo ka tirsanaa golaha wakiillada dowlad goboleedka Jubbaland.

Allaha u naxariistee (AUN) Marxuumka ayaa ku geeriyooday qarax argagixisada Alshabaab ay ugu xireen gaarigiisa sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa guud ahaan shacabka Jubbaland, golaha wakiilada Jubbaland iyo ehelada uga tacsiyeeyey geerida Xildhibaanka,isagoo laamaha ammaanka faray in dabagal ay ku sameeyaan argagixisadii ka dambeysay falkaas si sharciga loo hor geeyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo Beijing kaga qaybgashay shir looga hadlaya diyaar-garowga iyo ka-hortagga masiibooyinka

Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxaa maanta ka furmay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay dabaal-daga 1-da Luuliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka...

Muqdisho oo si weyn looga xusayo 1-da Luuliyo

Magaalada Muqdisho waxaa ka socota munaasabad weyn oo loogu...