Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo caddeeyay in qoondada haweenku tahay geed ka go’an

Date:

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay sidii haweenka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen metelaad siyaasadeed,  isagoo cod dheer ku sheegay in qoondada haweenku tahay geed ka go’an.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa hadalkan ka sheegay Kulan Madaxda ka socoto dowladda federaalka,kuwa maamul goboleedyada iyo musharaxiintu ay la yeesheen haween ka kala socday dowladaha xubnaha ka ah federaalka iyo gobolka Banaadir oo ku saabsanaa Doorka haweenku ay ku yeelanayaan siyaasadda, kaas oo ka dhacay magaalada Garowe.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo Garowe uga qeyb gelaya shirka sanadlaha machadka Heritage ayaa kulamo kala duwan la yeeshay madaxda ka qeyb geleysa madasha iyo qeybaha bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Horjooge Aadan Maxamed Cali Dhaayow ayaa lagu soo qabtay howlgal qorshaysan

Horjooge Aadan Maxamed Cali Dhaayow ayaa lagu soo qabtay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika

-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Shirka maalgashiga qurbejoogta oo Muqdisho ka furmay

Shirka Isku-imaatinka Maalgashiga Qurba-joogta Soomaaliyeed ayaa ka furmay maanta...