Askar ka tirsan Ciidamada dalka Uganda ee qeybta ah howlgalka nabad ilaalinta midowga afrika ee soomaaliya Amisom ayaa la gudoonsiiyay bilado iyo shahaadooyin ay ku muteysteen shaqada adag oo ay ka hayaan xasilinta soomaaliya+(SAWIRRO).

Date:

Munaasabad ka dhacday xarunta Amisom ee magaalada Muqdisho ayaa xubno ka tirsan cotobka 28 ee ciidanka Uganda ee Amisom qeybta ka ah waxaa shahaadooyinka iyo biladaha gudoonsiiyay taliyaha guud ee Amisom r. Lt. Gen. Diomede Ndegeya waxaana goob hoog ka ahaa taliyaha ciidanka Uganda ee Amisom Brig. Gen. Don William Nabasa..

Ciidanka ayaa dhameystay shaqadii Amisom ee ay soomaaliya ka hayeen waxaana lagu badali doonaa qeyb cusub oo qeyb ka qaadan doona howlgalka Amisom ee soomaaliya.

Taliyaha Amisom Lt. Gen. Ndegeya ayaa amaanay shaqadii ay qabteen cotobka 28-aad mudadii ay soomaaliya joogeen .

Ciidankan ayaa qeyb ka ahaa qabashada magaalooyinka Janaale iyo Awdhiigle ee gobalka shabeelaha hoose .

Cutubkan shaqada dhameystay ayaa soomaaliya joogay hal sano iyo bar waxaana sida sharciga Amisom uu yahay badali doona cutub cusub oo kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...