Booliska oo gacanta ku dhigay nin lagu tuhmayo in uu ka dambeeyay fal dil ah oo ka dhacay Caabudwaaq+(SAWIRRO).

Date:

Taliska booliska Degmada Caabudwaaq ayaa gacanta ku soo dhigay nin lagu tuhmayo in uu ka dambeeyay falkii dilka ahaa ee loo geystay marxuum Ubax Maxamed Yaxye oo ahayd Hooyo uur saddex bilood ah leh, taasi oo lagu gowracay duleedka Waqooyi ee degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada ayaa ku guuleystay in howlgal ay sameeyeen kaddib ay gacanta ku soo dhigaan eedeysanaha lagu tuhmayo in uu ka dambeeyay falka dilka ah, isla markaana ay cadaaladda horgeyn doonaan baarista kaddib.

Ehelka gabadha la dilay ayaa  Warbaahinta u sheegay in dilka ka hor la kufsadey, waxaana hadda socda baaris ay wadan dhaqaatiir caafimaad iyo saraakiil ka tirsan laanta dambi baarista CID ee degmada Caabudwaaq.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dekadaha XFS oo ka qeybgalaya shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha Adduunka.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur,...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Muqdisho ka furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magaalada Rabat kula kulmay dhiggiisa dalka Morocco.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Booqday Xarunta Dhexe ee Warbaahinta Malaysia.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS,...