Wasiirka Maaliyadda oo saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay kala hadlay qarashaadka ku baxaya doorashooyinka+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa shaaca ka qaaday in aaladda fogaan aragga ay shir kuwada qaateen mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay, kaasi oo ay kaga wada hadleen dar dargelinta hannaanka doorashooyinka ee dalka iyo inay ka qeyb qaataan qarashaadka ku baxa doorashada.

“Waxa aan shir muhiim ah oo ku saabsan Qarashaadka ku baxaya Doorashooyinka Qaranka la yeelanay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay, iyadoo ay shirka igu wehlinayeen qaar ka mid ah madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dalka, waxaa naga go’an in aan si wadajir ah uga wada shaqeyno howlaha lagu Horumarinayo hannaanka Dowladnimada”.ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Wasiir Beyle ayaa xusay in Madaxda Wasaaradda Maaliyadda dalka ay ka go’antahay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo dadaallada lagu horumarinayo hannaanka dowladnimada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda bini’aadanninimo ee Galmudug

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Hay’adda...

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...