Kulan looga hadlaayay Dar dargelinta arrimaha doorashooyinka oo laga Qabtay Magaalada Dhuusamareeb+(SAWIRRO).

Date:

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dib-uheshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,ย  oo uu Hogaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Isaaq Maxamed Maxamuud.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee Wasaaradda arimaha gudaha Galmudug iyo masโ€™uuliyiin kale oo ka kala socday Galmudug iyo dowladda Federaalka.

Wasiir ku-xigeeenka Wasaaradda arimaha gudaha iyo dib-u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka waramay ujeedka socdaalkooda inuu la xiriiray arrimaha doorashooyinka, waxaana uu sheegay in loo baahanyahay in la dadajiyo hawlaha doorashada.

Madaxwayne ku-xigeenka Galmudud mudane Cali Daahir Ciid oo shirka soo xiray ayaa ugu horayn soo dhaweeyay Wafdiga ka socda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu hogaaminayo Wasiir kuxigeenka arimaha gudaha iyo dib-u-heshiisiinta Mudane Isaaq Maxamed Maxamuud, waxaa uuna ku dheeradayย  muhiimadda doorashada,ย  u diyaar-garowga Galmudug ee ku aaddan howlaha doorashooyinka iyo daadajinta maamulka iyo dhismaha golaha deegaanka ee Degmooyinka Galmudug oo maraya meel wanaagsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...