Shir looga hadlayay iska ilaalinta hadalada naceybka ah inta doorashada lagu jiro iyo ilaalinta Xorriyul qowlka oo Muqdisho ka dhacay+(SAWIRRO).

Date:

Kulankan  oo uu soo qaban qaabiyay Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ waxaa ka qeyb galay wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya uu ka mid wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Haweenka iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Safiiro iyo wakiilo ka socday Midowga Afrika iyo Qaramada midoobey.

Xoghayaha NUSOJ Cumar Faaruuq oo madasha ka hadlay ayaa  sheegay in shirka looga gol leeyahay xaqiijinta xorriyadda warbaahinta iyo ka fogaashaha hadalada naceyb keena xiliga doorashada.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Caddaala ayaa sheegay in Warbaahinta looga baahan yahay tabinta xaqiiqada iyo ka fogaashaha faafinta wararka been abuurka ah iyo kicinta bulshada.

Wasiirka Arrimaha dibbadda Maxamed Cabdirisaaq ayaa ka sheegay kulanka in Warbaahonta looga baahan yahay in kaalin wanaagsan qaataan marxalada lagu jiro.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qeybgalay Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo yeeshay kulan doceed

Addis AbabA- Intii uu socday Kalfadhiga 49-aad ee Golaha...

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Cambaareyneysaa Weerarradii lala Beegsaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

War-saxaafadeed.Muqdisho, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa...

Ciidanka Xoogga Dalka goor oo dib ula wareegay deegaanka Sumadaale

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa goordhow howlgal qorsheysan dib...