Shir looga hadlayay iska ilaalinta hadalada naceybka ah inta doorashada lagu jiro iyo ilaalinta Xorriyul qowlka oo Muqdisho ka dhacay+(SAWIRRO).

Date:

Kulankan  oo uu soo qaban qaabiyay Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ waxaa ka qeyb galay wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya uu ka mid wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Haweenka iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Safiiro iyo wakiilo ka socday Midowga Afrika iyo Qaramada midoobey.

Xoghayaha NUSOJ Cumar Faaruuq oo madasha ka hadlay ayaa  sheegay in shirka looga gol leeyahay xaqiijinta xorriyadda warbaahinta iyo ka fogaashaha hadalada naceyb keena xiliga doorashada.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Caddaala ayaa sheegay in Warbaahinta looga baahan yahay tabinta xaqiiqada iyo ka fogaashaha faafinta wararka been abuurka ah iyo kicinta bulshada.

Wasiirka Arrimaha dibbadda Maxamed Cabdirisaaq ayaa ka sheegay kulanka in Warbaahonta looga baahan yahay in kaalin wanaagsan qaataan marxalada lagu jiro.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Amniga koonfur-galbeed oo looga hadlay xoojinta Amniga

Madaxweynaha Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Guddoomiyey...

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray xarunta dambi baarista

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Dr Xabeeb iyo wafdi dhakhaatiir ah oo gaaray degmada Cadaado

Guddoomiyaha Cisbitaalka dhimirka ee Xabeeb, Dr. Cabdiraxmaan Cali Cawaale...

NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...