Wasiirka Amniga Galmudug oo ka warbixiyay howlgallo ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab “SAWIRRO”

Date:

Wasiirka Wasaaradda amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi guddoomiyaha gobalka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal iyo duqa dagmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale ayaa shir jaraa’id oo ay si wadajir ah magaalada Gaalkacyo ugu qabteen  uga waramay halka ay marayaan howlgalada la dagaalanka kooxda naf iyo nolal diidka ah  ee argagixisada Al-Shabaab.

Guddoomiyaha gobalka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal iyo guddoomiyaha dagmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale ayaa iyaguna bogaadiyay howlgalada ka dhanka ah la dagaalanka arxan lawaayaasha baneeytay dhiiga muslimiinta.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo ka warbixiyay howlgalladii ay sameeyeen ciidanka ee la xiriiray falkii naftii haligaha ahaa ee ka dhacay Garoonka Cabdullaahi Ciise ee magaalada Gaalkacyo ayaa tilmaamay in lagu raad joogo dadkii falkaasi ka dambeeyay, ayna hayaan xog la xiriirta arrinkaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Booqday Xarunta Dhexe ee Warbaahinta Malaysia.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS,...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo ka socda magaalada...

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

War-saxaafadeedka. Muqdisho, 27 Nofeembar 2025 Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda...