Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo furay kulan lagu ansixinayey sharciga Qaran ee baarista iyo ilaalinta Hilibka+(SAWIRRO).

Date:

Shirkan oo u jeedkiisu ahaa katashiga iyo ka doodidda qodobada ku darista ama ka badalka u baahan si loo ansixiyo sharciga Qaranka ee baarista iyo ilaalinta Hilibka oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo kaashaneysa FAO, waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiinta Wasaaradda, xubno ka socday maamul goboleedyada, qubaro iyo dhaqaatiir ku xeel dheer Caafimaadka xoolaha iyo sharciyada Hilibka.

Shirka oo ay ka hadleen xubno ka socday maamul goboleedyada ayaa waxaa soo xiray Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen wuxuuna tilmaamay ahmiyadda uu leeyahay sharciga Qaranka ee baarista iyo ilaalinta Hilibka.

Sharcigan Qaranka ee baarista iyo ilaalinta Hilibka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya ayaa dhawaan loo gudbin doonaa Golaha Wasiirada si ay u meel mariyaan, waxaana kadib la horgeyn doonaa  Xildhibaanada, iyadoo ugu dambeyna uu saxiixi doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026

1- President Hassan Sheikh Mohamud led the Eid al-Fitr...

Hay’adda SODMA iyo Maamulka K/ Galbeed oo Bakool ka sameeyay howlo biyo dhaamin ah

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

CIID MUBAARAK 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Ciidul...