Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo furay kulan lagu ansixinayey sharciga Qaran ee baarista iyo ilaalinta Hilibka+(SAWIRRO).

Date:

Shirkan oo u jeedkiisu ahaa katashiga iyo ka doodidda qodobada ku darista ama ka badalka u baahan si loo ansixiyo sharciga Qaranka ee baarista iyo ilaalinta Hilibka oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo kaashaneysa FAO, waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiinta Wasaaradda, xubno ka socday maamul goboleedyada, qubaro iyo dhaqaatiir ku xeel dheer Caafimaadka xoolaha iyo sharciyada Hilibka.

Shirka oo ay ka hadleen xubno ka socday maamul goboleedyada ayaa waxaa soo xiray Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen wuxuuna tilmaamay ahmiyadda uu leeyahay sharciga Qaranka ee baarista iyo ilaalinta Hilibka.

Sharcigan Qaranka ee baarista iyo ilaalinta Hilibka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya ayaa dhawaan loo gudbin doonaa Golaha Wasiirada si ay u meel mariyaan, waxaana kadib la horgeyn doonaa  Xildhibaanada, iyadoo ugu dambeyna uu saxiixi doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka,...

Wasaaradda Beeraha oo Magacaabay Guddiga xog-ururin ku soo sameeya Suuqyada Khudaarta soo dhoofiya.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa magacaawday guddi shaqo oo...

Golaha Wasiirrada oo lagu ansixiyay Xeerka Qoondada Miisaaniyadda 2026. 

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay...

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha.

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...