Xulalka Jubbaland iyo Puntland oo bar-baro galay.

Date:

Kulanka ka tirsan tartanka kubadda cagta ee dowlad goboleedkada oo ka soconaya magaalada Muqdisho ayaa waxaa galabta foodda is daray xulalka kubadda Cagta Jubbaland iyo Puntland, kaasi oo ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Eng, Yariisow.

Cayaarta oo ay u soo daawasho tageen dad weyne aad u fara badan oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir, isla markaana kala taageerayay labada Xul ee Jubbaland iyo Puntland, isla markaana sitay hal ku dhigto ayaa muujiyay sida ay u taageersanyihiin tartamada nuucaani oo kale ah oo la xiriirta isdhexgalka bulshada.

Labada xul ayaa soo bandhigay cayaar aad u xiisa badneyd oo ay ku qanceen dhamaan dadkii u soo daawasho tagey garoonka, waxaana cayaarta qeybtii hore lagu kala nastay 0-0.

Qeybtii labaad ee cayaarta ayaa labada dhinac waxa ay muujiyeen dadaal aad u badan, waxaana cayaarta waqtigii loogu talagalay ay ku soo idlaaday bar-bar dhac 0-0.

Xidigaha xulka kubadda cagta Jubbaland oo dheelay kulankoodii 2aad ayaa leh Hal dhibic oo qura, halka Puntland oo kulan uu baaqi u yahay ay iminka leeyihiin Hal dhibic, waxaana kulankooda ugu danbeeya ay maalinta Jimcaha la ciyaari doonaan dhigooda Koonfur galbeed oo hadda guruubka  ku hogaaminaya 3 dhincood isla markaana ka soo gudbay guruubka.

Xidigaha xulka kubadda cagta Jubbaland ayaa waxa ay ku soo bixi karaan oo kaliya in Xulka Koofur galbeed ay goolal badan uga adkaadaan dhigooda Puntland, balse waxaa fursad fiican haysta Xulka Puntland oo ku soo bixi kara bar-baro ama in ay badiyaan.

biri oo Khamiis ah waxaa wada ciyaari doona Xulalka Galmudug iyo Hirshabeelle waxaana Hirshabeelle ay ku soo bixi kartaa in ay badiso oo kaliya, halka Galmudug  ay bareejo xitaa ku soo bixi karto .

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Muqdisho ku qabatay xuska Maalinta Shaqaalaha Adduunka

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Waxbarashada oo faray dadka deggen dhulka Jaamacadda Ummadda in ay si degdeg ah uga guuraan

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Safiirka JFS ee Sacuudiga oo kormeer ku tagay Xafiiska Arrimaha Xajka ee magaalada Madiina

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudiga,...

Soomaaliya oo tallaabo u qaaday Nidaamka Xisaab-xirka iyo lacag-bixinta gaadiidka cirka

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...