Mas’uuliyiin ka tirsan Maamuulka Gobolka Gedo oo kormeeray xarumaha ciidamada qalabka sida+(SAWIRRO).

Date:

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Gedo ayaa maanta kormeeray xerada ciidamada xoogga ay kaga suganyihiin Degmada Doolow, halkaas oo ay ku jiraan cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka sida.

Ciidamadaan ayaa qeyb ka ah ciidamada ilaalada xuduudaha ee Soomaaliya, waxaana guddoomiyaha Gobolka Gedo oo soo booqday xarunta ciidamada ayaa ku bogaadiyay shaqada ay hayaan, wuxuuna kula dardaarmay in ay laba jibaaraan waajibaadka ka saaran difaaca ciidooda Hooyo.

Guddoomiye Cismaan Nuur Xaaji Macalimu ayaa ayaa xusay in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay mas’uuliyad adag ka saarantahay adkeynta iyo nabadgelyada gobolka, ayna ka hortagaan cidkasta oo dhibaato ku ah Qaranimada Soomaaliya.

Ciidamadan oo dhawaan la geeyay Gobolka Gedo ayaa qorshahhooda yahay xoojinta Nabadgelyada iyo ilaalinta amniga xuduudaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNAHA JFS OO WARQADAHA AQOONSIGA DANJIRENIMO KA GUDDOOMAY SAFIIRKA CUSUB EE JABUUTI

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo kulan la yeeshay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Sweden

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS...

Warbixinta Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah oo qirtay dadaallada horumarka nidaaminta Isgaarsiinta dalka

Soomaaliya ayaa loo aqoonsaday dalka sameeyay sare-u-kaca ugu weyn...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo kormeeray goobaha la dejiyay xujeyda Soomaaliyeed

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee XFS Sheekh Mukhtaar...