Wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Cadaaladda XFS oo lagu soo dhaweeyay Dalka Turkiga+(SAWIRRO).

Date:

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur  oo casuumad Rasmi ah ka heley dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Abdulhamit Gül  ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Ankara ee Caasimadda dalka Turkiga.

Wafdiga ka socday dowladda federaalka Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen  Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud, Garoose Saalax Sheekh Ibraahim oo ka mid ah garsoorayaasha Maxkamadda sare ee dalka Iyo Taliye ku xigeenka ciidanka Asluubta Soomaaliyeed  Cilmi Waasuge ,ayaa   waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Ankara ku soo dhoweeyay Masuuliyiin ka socday wasaaradda cadaalada ee dalka Turkiga Iyo howl-wadeenadda Safaaradda Soomaaliya oo uu hogaaminayey Danjire Jaamac Cabdullaahi Caydiid .

Wasiirka wasaaradda cadaaladda  xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo kulan la yeelan doona dhigiisa wasiirka Cadaalada ee dalka Turkiga ayaa sheegay inuu kala hadli doono  xoojinta xiriirka labada wasaaradood iyo hormarinta arimaha Garsoorka iyo Cadaaladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo xaqiijisay dilka Macallin Jinoow

Waxaa la xaqiijiyay dilka Macallin Jinoow, kaas oo Wasiirka...

Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo damintiisa lagu guuleystay

Waaxda Gurmadka Deg Degga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...