Maamulka Gobolka Bakool oo digniin u diray ganacsatada Gobolka

Date:

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Bakool Shiine Macalin Nuur ayaa sheegay in maamulkiisa uu qorsheynayo sidii ay dib u furi lahaayeen waddooyinka xiran ee soo gala magaalada Xudur, maadaama ay go’doomiyeen maleeshiyaadka Al-Shahaab, kuwaasi oo dhibaato ba’an ku haya gaadiidka xamuulka ee raashinka geeya magaalada Xuddur.

Guddoomiye Shiine oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in kulan  dhawaan uu la qaatay ganacsatada kala hadlay in gaadiidka xamuulka ay soo mariyaan waddooyinka dowladda gacanta ku heyso, isagoo digniin u diray ganacsatada baal marto awaamiirta maamulka.

“Ganacsatada waa labo nooc, kuwo fuliyo awaamiirta maamulka iyo kuwo iska indha tiro amarada, anaga ka maamul ahaan waxaa naga go’an illaalinta hantida iyo muwaadiniinta, sidaa darteed waxaan rajaynaynaa inay ganacsatada u hogaansami doonaan go’aanada maamulka “ayuu yiri Guddoomiye Shiine.

Guddoomiyaha mar uu ka hadlayay barakacayaasha ku sugan Xudur, ayaa waxa uu sheegay inay sameyn doonaan qorsheyaal dib loogu celin doono deegaannada ay ka soo barakaceen, ayna ka dulqaadi doonaan haraadiga argagixisada Al-Shabaab ee dhibaatada ku haya shacabka.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Bakool ayaa shacabka ka codsaday inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, si loo dar dargeliyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo Gaalkacyo ka daah-furay diiwaangelinta codbixiyayaasha

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan iyo Soohdimaha Qaranka (GDMSQ),...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga (NIRA)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre,...

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo goorhaw ka furmaya Muqdisho

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Shirweynaha 3-aad ee...

Wasaaradda Tamarta oo goobo Caafimaad iyo waxbarasho u samaysay koronto galin lacag la’aan ah

Wasaaradda Tamarta DFS, oo kaashanaysa saaxiibbada caalamiga ah, ayaa...