Dowladda Soomaaliya oo Kenya uga digtay hubeynta jabhad xasillooni darro ka abuurta gudaha dalka.

Date:

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya si dhow ula socto abaabul Milateri oo dowladda Kenya ay ka waddo aagga Mandera, iyada oo hubeyneysa jabhad ay si sharci darro ah dalkeeda ugu martigelisay si xasillooni darro looga abuuro gudaha Soomaaliya.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ogaatay in Ciidamada Kenya ay hub iyo maleeshiyaad kusoo daad gureysay magaalada Mandera si duullaan loogu soo qaado magaalada Beled Xaawo iyo saldhigyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee aaggaas ku yaalla.

Dowladda Soomaaliya ayaa uga digtay Dowladda Kenya ficillada gurracan ee ay ku wiiqayso nabadgalyada guud ee Gobolka Geeska Afrika, waxayna mar kale ku celinaysaa in ay Kenya ka fiirsato faragelinta qaawan ee ay ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya oo ay ka dhalan karto xasillooni darro saameyn ku yeelata amniga Gobolka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamtay in ay qaadeyso tallaabo kasta oo ay ku xaqiijinayso madaxbannaanideeda siyaasadeed, wadajirkeeda dhuleed iyo ilaalinta sharafka iyo karaamada shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Halkan ka Akhriso

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...