Mareykanka oo meel mariyay tallaalkii labaad oo COVID-19 looga hor tagayo.

Date:

Dowladda Mareykanka ayaa ansixisay tallaalkii labaad oo ay soo saartay shirkadda Moderna, taas oo keeni doonta in cudurka COVID-19 laga tallaalo malaayiin Amerikaan ah.

Hey’adda cunada iyo dawada Mareykanka ee loo soo gaabiyo FDA ayaa todobaadkii hore meel marisay tallaalka ay soo saareen shirkadaha Pfizer iyo BioNTech kaas oo dadka lagu bilaabay in la siiyo.

Mareykanka wuxuu iibsan doonaa labo milyan oo kuuro oo tallaalka shirkadda Moderna ah in ka badan lix milyan oo ruux ayaa lagu mudi doonaa tallaalkan.

In ka badan 313,500 oo qof ayaa Mareykanka ugu geeriyootay xanuunka Corona halka ku dhowaad 17.5 milyan oo kiis laga diiwaan geliyay dalka Mareykanka.

Tallaalkan cusub oo ay soo saartay shirkadda Moderna isla markaana noqoneya kii labaad oo Mareykanku ogolaado ayaa la siin doonaa dadka da’dooda ka weyn tahay 18 sano jir.

Dadka ugu badan ee ka faa’idi doona ayaa ah kuwa miyiga ku nool maadaama uusan u baahneyn tallaalkan heer kul badan.

Tallaalka shirkadda Moderna wuxuu u baahan yahay heer kul gaaraya -20C halka kan kale oo ay soo saareen shirkadaha Pfizer iyo BioNTech uu u baahan yahay -75C.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...