Maamulka ku meel gaarka ah ee dowlada Itoobiya u sameysay ismaamulka Tigray oo la wareegeen shaqada.

Date:

Madaxa maamulka ku meel gaarka ah ee dowlada Itoobiya u sameysay ismaamulka Tigray Dr. Mulu Nega ayaa sheegay in ay maanta la wareegeen shaqada

Dr. Mulu Nega ayaa ugu yeeray shaqaalaha dowlada ee xafiisyada ka maqnaa ilaa 4 bishii idlaatay ee November kolkaas oo dagaalka dowlada Itoobiya iyo TPLF uu bilowday in yimaadaan shaqada maalinka isniinta bari ah .

Wuxuu sheegay in uu ka shaqeyn doono dib u hubeynta maamulka iyo soo celinta adeegyada aas aasiga ah.

Dr. Mulu Nega ayaa sidoo kale ugu baaqay ciidanka TPLF in hubka dhigaan ilaa 15 bishaan December oo ku beegan talaadada na soo haysa.

Howlaha baaritaanka guryaha ayuu tilmaamay in ay sii socon doonaan oo cidii lagu helo in ay hub sharci daro heysato nidaamka la marin doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...