Haweenka degmada Dhuusamareeb oo baaq u diray waxgaradka gobolka Galgaduud+(SAWIRRO).

Date:

Kulankan ay soo agaasimeen haweenka magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug ayaa loo gu tacsiyeeyay falkii foosha xumaa ee todobaadkii hore lagu dilay saraakiishiil ka tirsanaa Milatariga Soomaaliyeed, duleedka degmada Balamballe ee gobolka Galgaduud, sidookale kulanka ayaa loogu duceeyey marxuumiinta iyadoo lagu garab istaagey Howlgalada lagu baadi goobayo dambiilayaasha falkan geysatey ee ay wadaan ciidanka Qaranka.

Haweenka Caasimada ee Kulankan soo agaasimey ayaa ku baaqey in la joojiyo colaadaha u dhexeeya beelaha, ee ka soo cusboonaadey deegaanada Galmudug kuwaa oo caqabad ku noqon kara hormarka Galmudug ee bilaawga ah.

Qaar ka mid ah gudigga iyo xubnaha haweenka ee goobta joogay ayaa ugu baaqey waxgaradka Galmudug in ay qaataan kaalintooda nabadeynta bulshada si looga baaqsado in ay Sii socdaan colaadaha taagan.

Falka lagu dilay Saraakiisha Milatariga ee dhacay todobaadkii hore ayaa noqdey mid bulshadu si weyn uga xumaatey, Waxaana socda Howl-galo balaaran oo ciidamada dowlada faderaalka ku baadi goobayaan kooxihii ka dambeeyey falkaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...