Madaxweyne Qoor Qoor oo kulan sagootin ah usameeyay kooxda kubadda cagta Galmudug+(SAWIRRO).

Date:

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’ ayaa kulan sagootin ah ugu sameeyey xarunta madaxtooyada Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb xulka kubadda cagta Galmudug oo dhawaan ka qeyb-galaya tartan dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Madaxweynaha ayaa waxaa kulankani casho sharafta ah ku wehlinayey Masuuliyiin ka tirsan golayaasha dowlad federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedka galmudug, maamulka caasimadda iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug oo cashada kadib la dardaarmay dhallinyarada xulka kubadda cagta  Galmudug ayaa ku dhiirigeliyey iney guul wax ku ool ah ka gaaraan tartanka ciyaaraha dowlad goboleedyada dalka ee dhawaan ka furmaya magaalada Muqdisho.

Wasaaradda ciyaaraha oo kaashanaysa xiriirka kubadda cagta galmudug ayaa dib u habeyn balaaran ku sameysay xulkan kubadda cagta oo tabarbar xirfadeed ku qaatay garoomada la casriyeeyay ee Galmudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo soo xiray shirka banbaxa Golaha Wasiirrada

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Duqa Muqdisho oo ka qeyb galay munaasabad lagu dhiirrigelinayay doorka dhallinyarada ee ilaalinta nadaafadda xeebaha

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Miami Beach oo lagu qabtay munaasabadda “Somali Stars Night 2026”

Magaalada Miami Beach ee gobolka Florida ayaa lagu qabtay...

Soomaaliya oo Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

Munaasabadda 61-guurada ka soo wareegtay Xorriyadda Jamhuuriyadda Maldives awgeed,...