Xuska Maalinta Yoolka Caafimaadka loo dhanyahay oo lagu qabtay Muqdisho+(SAWIRRO)

Date:

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo kaashaneysa WHO ayaa Muqdisho ku qabatay munaasabad lagu xusayey Maalinta Yoolka Caafimaadka loo dhanyahay

Masโ€™uuliyiinta Waaaradda Caafimaadka Soomaaliya, Xildhibaanno, xubno ka socday WHO, qubaro Caafimaad iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay xuska Maalinta hiigsiga Caafimaadka loo dhanyahay oo dunida oo dhan laga weyneeyo maanta oo kale.

Ka qeyb galayaasha kulanka ayaaย  is tusayย  muhiimadda ay leedahay inay iska kaashadaan dardargelintaย  Yoolka caafimaadka loo dhanyahay, si uu qof walba oo Soomaali ah u helo adeegaacaafimaad ee uu u baahanyahay, iyadoo si gaara diiradda loo saarayo Dadka saboolka ah iyo hooyada iyo dhallaanka.

Senator Cismaan Maxamuud Dufle oo ka mida Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay inay ka Baarlamaan ahaan ka shaqeyn doonaan sidii dadka danta yar ay u heli lahaayeyn adeeg caafimaad oo dhameystiran.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr. Fowziya Abiikar Nuur ayaa xustay in sanadkan ay ku guuleysteen in la balaariyo xirmooyinka Caafimaad oo la gaarsiiyay dalka oo dhan, hadana ay wadaan tallaabooyin wax ku ool ah oo sahli kara in qof walba oo Soomaali ah uu helo adeeg Caafimaad oo tayo leh.

Xuska Maalinta Yoolka Caafimaadka loo dhanyahay ayaa sanadkan ku soo aaday, xilliย  dunida ay weli dagaal kula jirto safmarka COVID-19 oo ay sababtiisa u geeriyoodeen ku dhawaad laba Milyan oo qof.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad oo maanta ka furmaya dalka

Waxaa maanta si rasmi ah guud ahaan dalka uga...

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...