Ciidamada ammaanka Puntland oo howl gallo qorshaysan ka sameeyay Deegaano ka tirsan Buuralayda Calmadow+(SAWIRRO).

Date:

Ciidamada ilaalinta xeebaha Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo qorshaysan oo lagu beegsano kooxaha argagaxisada ah ka sameeyay deegaanno kala duwan oo hoostaga Buuralayda Calmadow oo ka mid ah deegaanada inta badan ay hab dhuumasho ah ku soo galaan Kooxaha Nabad diidka ah.

Ciidamadan ayaa si gaar ah u beegsaday deegaannada Xidid iyo Milxo oo ay Argagixisadu dhaqdhaqaaqyo ka wadeen maalmihi aynu soo dhaafnay.

Dadka deegaanka ayaa soo dhaweeyay ciidamadan howlgallada argagaxiso la dirirka ah ka samaynayay deegaanada Calmadow, iyadoo ciidamadu kulamo wacyi gelin ah la qaateen waxgaradka bulshada deegaanadaasi.

Kooxahan Nabad diidka ah ayaa dhaq dhaqaaqyo ay ku waxyeelaynayaan dadka deegaanka iyo nabad galyada guud ee deegaanada Calmadow ka waday tuulooyinka yar yar ee u dhow buuralaydaasi, taasi oo horseeday howl galkaaani qorshaysnaa ee ay sameeyeen Ciidamada ilaalada Xeebaha Puntland.

Gaba gabadii Ciidamadan waxay tageen deegaamada Durduri, Ceelaayo iyo Qaw oo ka tirsan Gobalka Bari, halkaasi oo ay kulamo gaar ah kula qaateen qeybaha kala duwan bulshada deegaannadasi ku nool.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...