Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kormeeray xarunta ciidanka Qeybta 27aad ee Lamagalaay (Baladweyne)

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mukhtar Xuseen Afrax ayaa kormeer ku tegay xarunta Ciidanka Xooga Dalka ee Qeybta 27 ee magaalada Balaedweyne.

Wasiirku waxa uu u kuurgalay xaaladda ciidanka oo shaqo weyn ka haya deegaanka, taas oo ay ugu horeyso ilaalinta amniga iyo badqabka shacabka.

Wasiirku waxa uu warbixin ka dhagaystay saraakiisha ciidanka uu ugu horeeeyo Taliyahaya Guutada 5naad ee Qeybta 21aad Gaashaanle Dhexe Maxamuud Xasan Ibraahim ย iyo saraakiisha kale ee hogaanada kala gadisan.

Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa ku wareejiyey ciidanka laba neef oo geela, waxa uuna kula dardaarmay in ay sii laba laabaan shaqada Qaran ay Ummadda Soomaaliyeed u hayaan gaar ahaan shacabka Gobolka Hiiraan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...