Heyada OXFAM oo ka digtay gaajo baahsan oo ay wajahayaan malaayiin qof oo ku nool bariga iyo bartamaha afrika

Date:

In ka badan 50  malyuun oo qof kuwaas oo ku nool bariga iyo bartamaha afrika ayaa u baahan gargaar deg deg ah oo  cunto ah sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay heyada Oxfam.

Warbixinta waxay tilmaantay in arintan ay sabab u tahay isbadalka cimilada gobalka ka jirta waxaana dhici karta in tirada dadka gargaarka u baahan ay intaa ka badnaan doonto.

Laga bilaabo bartamaha bishaan December ayaa waxaa la saadaalinayaa in heerka roobka uu hoos u dhaco sida warbixinta lagu sheegay wadamada South Sudan, Somalia, Ethiopia, Kenya, Tanzania, Rwanda iyo  Uganda.

Arintan ayaa keeni karta in malaayiin qof ay gaajo wajahaan sanadka na soo kulaalaya ee 2021 sida Oxfam ay tilmaantay.

Digniintan ayaa imaaneysa iyada oo maalinka sabtiga ee bari ah uu dhacayo kulan madaxda caalamku kaga arinsanayaan saameynta isbadalka cimilada iyo waxa laga yeelayo

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

Danjire Fatxudiin Cali Ospite ayaa maanta si rasmi ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhigii ugu Guddiga Fulina Hay’adda UN-Habitat

Kalfadhigii ugu horreeyay ee Guddiga Fulinta ee UN-Habitat ee...