Madaxweynaha Hirshabeelle oo guddoomiyay kulanka golaha wasiiradda ee Hirshabeele+(SAWIRRO).

Date:

Madaxweynaha dowlad goboleedka  Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa shir guddoomiyay kulanka golaha wasiiradda ee xukuumadda Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa warbixinno ka dhageystay wasiirada sii haya-yaasha ah oo ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka amniga, caafimaadka, boostada iyo isgaarsiinta, gargaarka, ganacsiga iyo wasiirka duulista hawada.

Wasiirka ganacsiga ayaa kulanka kaga warbixisay sare kaca maciishada qeybaheeda kala duwan oo korar  aad u weyn la ga dareemayo magaalada Jowhar taas oo sawabtay xirnaashiyaha wadada xiriirisa Jowhar iyo Balcad oo ay gooyeen biyaha wabiga Shabeelle.

Wasaardda arrimaha gudaha Hirshabeelle ayaa sidoo kale soo gudbisay warbixin ku aadan hal ka ay marayan dhismaha dowlada hoose ee Hirshabeele .

Dhinaca kal,e wasaaradda amniga ayaa warbxinteeda ku soo gudbisay xaaladaha amni, ee deeganada Hirshabeelle waxaana uu soo hadal qaaday xoojinta booliska Hirshabeelle, iyo 12 gaari oo kuwa boolis ka ah oo dhawaan ciidamada booliska ay la  kawareegi doonaan iyo sugidda amniga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...