Dhallinyarada Gobolka Mudug oo dhireyn ka billaabay deegaanno ka tirsan Gobolka+(SAWIRRO).

Date:

Dhallinyarada gobolka Mudug ayaa bilaabay Barnaamij wacyi galin iyo sidoo kale Dhir beeris taasoo qeyb ka ah Hormarinta Deegaanka.

Guddoomiyaha Ururka dhallinyarada Jiildhis Madar Axmed Geelle aoo Barnaamijka Hormuud ka ah ayaa sheegay in dhir beerista ay ka billaabay deegaannada gobolka Mudug muhiimad gaar ah ay u leedahay Deegaanka.

Dhallinyaradan ayaa si gaar ah isugu abaabulay dhireynta gobolka waxayna dhir beeris iyo wacyigelin ka billaabeen deegaannada Bitaale iyo Bandarqaali ee bariga magaalada Gaalkacyo.

Dhallinyaradan isku xil-qaamtay dhireynta deegaanka ayaa ku dhawaad 100 geed gaarsiiyay geegaanadaasi kuwaasi oo loogu talagalay dib u soo celiyo bilicda deegaanka, waxeyna sheegeen in ay gaari doonaan deegaannada kale ee Galmudug.

Dhirta ayaa deegaanka u leh faa’iidooyin badan oo ay ka mid yihiin quruxda deegaanka iyo is beddelka cimilada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....