Madaxweyne Deni: Cidii diida lacagta Shilin Soomaaliga Sharciga ayaan la tiigsaneynaa+(SAWIRRO).

Date:

Madaxwaynaha Puntland Dr Siciid Cabdulaahi Deni aya kula hadlay guriga gobalka, waxgaradka qaybihiisa ,ganacsato ,madaxda shirkasaha isgaarsiinta iyo guddiyada ganacsatada yar ee suuqlayda ah kuwaasi oo maalmihi ugu danbeeyay muujiyay cabasho la xiriirta qaadashada shilin soomaaliga iyo sare u kac baahsan oo ku yimid qiimaha lacageed ee lagu kala badasho lacagaha qalaad.

Madaxwayne Deni oo la hadlayay bulshadaani kala duwan ayaa ku dheeraaday ka hadlida sababta keentay sare ukaca shilin soomaaliga iyo sicir bararka wada jira eeda ugu wayn ee arintaasina dusha u saaray ganacsatada waawayn ee wax soo dajiya ama dhoofiya oo uu sheegay inay yihiin kaliya faa’iido doon aan marnaba eegayn danta bulshada iyo danyarta midna.

Madaxwaynaha puntland ayaa qeexay sababta ay dowladdu u joojisay lacagtii Shilin Soomaaliga ahayd ee ay ku qaadi jirtay canshuurta dekada boosaaso kuna tilmaamay inay tallabadaasi u qaadeen si loo yareeyo sicir bararka suuqyada puntlandna ay noqdaan kuwa isu dheeli tiran.

Madaxweyne Deni ayaa gabagabadii fariin adag u diray ganacsatada puntland gaar ahaan kuwa boosaaso sidoo kalana dowladaha hoose ee puntland ku amray inay tallaabo adag ka qaadaan cidii ka hor timaada amarada maamulka ee lagu xakamaynayo sicir bararka iyo qaadashada shilin soomaaliga.

Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo inta badan deegaanada puntland ay ka jirto jaha wareer baahsan oo uu abuuray diidmada ganacsatada ee shilin soomaaliga iyo sarifka oo tagay halkii ugu saraysay gudaha puntland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Isgaarsiinta oo kulan la qaatay Wasiirka Isgaarsiinta Dalka Qatar

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda JFS, Mudane Ahmed...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo ka qeybgalay Shirka Caalamiga ah ee Dambiyaynta Gumaysiga Afrika

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed...

Howlgal ka dhan ah khawaarijta oo ka dhacay Shebeellaha Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gorgor ayaa howlgal...