Cabdiraxmaan Cali Diiriye Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo Kormeeray Dhismayaal Cusub oo lagu kordhiyay Isbitalka guud ee Gobolkaasi+(SAWIRRO).

Date:

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye (Isxal) Oo La Hadlay Warbaahinta Qaranka Soomaaliya Ayaa Faah Faahin Ka Bixiyay Dadaalada Maamulka Gobalka Ee Ku Aadan Wax Ka Qabashada Baahiyada Adeegyada Caafimaad Ee Ay Bulshadu U Baahan Yihiin Xilli Maanta Uu Soo Kormeeray Qeybo Cusub Oo Lagu Kordhinayo Isbitaalka Guud Galmudug Ee Magaalada Galkacyo Halkaas Oo Ay Ka Socoto Qeybo Cusub Oo Dhawaan Dhismaheeda Laga Bilaabay Isbitaalkaasi

Cabdiraxmaan Isxal Gudoomiyaha Gobalka Ayaana Ugu Horeyn Ka Hadlay Qeybagaha Cusub Ee Isbitaalka Lagu Kordhinayo Isagoo Dhanka Kalana Ugu Baaqay Shacabka Gobolku In Ay Xoogga Saaraan Sidii Iyagu Ay Wax U Qabsan Lahaayeen

Dhinaca Kale Gudoomiyaha Gobalka Ayaa Ka Warbixiyay Dadaalada Ciidamada Amniga Ee La Xariira Sugida Iyo Adkeynta Amniga Gobalka Isagoona U Mahad Celiyay Ugu Horeyn Ciidamada Amniga Qaranka Ee Booliiska Nabad Sugida Iyo Ciidanka Xasilinta Xoogga Dalka Ee Ka Howl Gala Gobalka Mudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Gaashaandhigga oo kormeer ku tegay Wargaadhi

Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo...

NISA oo Muqdisho keentay eedeysanayaal laga soo qabtay deegaannada Kaxandhaale iyo Balihowd ee gobolka Galgaduud

Iyadoo la fulinayo amarka Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad...

Wasiirka Waxbarashada oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah (TICA)

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ee Goboleedka Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...