AMISOM oo bilowday Dayactirka Wado isku xertay Magaalada Dhoobley iyo Garoonka Diyaaradaha.

Date:

Dhismaha wadadan oo ah 5KM waxaa fulinaya qeybta labaad ee ciidanka Amisom kuwaas oo ka howlgala deegaanada maamul goboleedka jubbaland soomaaliya .

Taliyaha qeybta labaad ee Amisom jeneraal Paul Njema ayaa sheegay in shaqada la qabanayo ay tahay nadiifinta keymaha wadada dhinacyadeeda ah,dayactirka wadada iyo qeyb ka mid ah garoonka gaar ahaan dhabaha ay diyaaradaha ku cararaan si ay sahal u noqoto in diyaaraduhu degaan dhib la,aan.

Paul Njema wuxuu kaloo sheegay in ay talaabadan qeyb weyn ka qaadan doonta dhaqdhaqaaqa badeecooyinka iyo ganacsiga degmada dhoobleey.

Gudoomiyaha magaalada dhoobleey Siyaad Maxamed Xasan ayaa sheegay in shaqada dayactirka ay gacan ka geysan doonto horumarka magaalada islamarkaana ay kordhin doonto duulimaadka garoonka dhoobleey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...