Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kormeeray Dekedda Muqdisho+(SAWIRRO).

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Dekedda Muqdisho oo kamid ah ilaha muhiimka ah ee dhaqaalaha dalka.

Ujeedka kormeerka ayaa ahaa sidii loo hubin lahaa adeegyada ay shacabka Soomaaliyeed u hayso dekeddu iyo in qiimeyn lagu sameeyo dhaqan galka heshiiskii lagu horumarinayay dekedda ee dhowaan ay kala saxiixdeen Dowladda Federaalka iyo Shirkadda Alberak .

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixinno la xiriira howllaha socda ka dhageystay Wasaaradda iyo maamulka dekedda, waxayna warbixin guud ka dhiibeen adeegyada ay bulshada u hayaan, gaar ahaan isbadallada horumarineed ee qeybaha dekedda lagu sameynayo.

Eng. Rooble ayaa soo indha-indheeyey qeybaha kala duwan ee dekedda, waxuna boggaadiyey shaqada socota ee loogu adeegayo shacabka Soomaaliyeed, isagoo kula dardaarmay in la sii dardargeliyo.

Kormeerka ayaa waxaa ku weheliyey Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Filish.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo maanta la dhaariyay

Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa kulan la qaatay golaha xukuumadii hore ee maamulkaas.

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhambaal tacsi ah gaarsiiyey Amiirka Dalka Qadar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Shir looga hadlayay Tayada iyo Horumarinta Biyaha sifeysan oo Xarunta Gobolka Banaadir lagu qabtay

Mas'uuliyiinta Sheybaarka Gobolka Banaadir Ayaa Kulanka Ku soo bandhigay...