Dowlad Goboleedka Puntland oo faahfaahin ka bixisay shilkii diyaarada Air Jabuti Garoonka Magaalada Garoowe.

Date:

Wasiirka Duulista hawada iyo Garoomada Puntland Cismaan lug toor ayaa faahfaahin ka bixiyay shil diyaaradeed oo ka dhacay gudaha Garoonka diyaaradaha ee Gen/Mohamed Abshir kaasi oo aan sababin khasaare nafeed.

isagoona wasiirka duulista hawada Puntland Sheegay in halka khaladku ka dhacay ahayd Duuliyaha diyaarada oo ku dagay meel aan ahayn halkii u astaysnayd cagadhigashada Koowaad ee diyaarada Masaafo ahaana u jirta 300M oo ah halka uu ka bilowdo Ranwayga caga dhigashada diyaaraduhu.

Wasiirka duulista hawada iyo Garoomada Puntland ayaa iska fogeeyay eedayn iyo hadal hayn badan oo baraha bulshada ka jirtay taasi oo ahayd in dab damiskii garoonku ciladaysnayd xilligii shilku dhacayay isagoona xusay in dab damiska garoonku shaqaynayay diyaaraduna aysan u baahan gurmadka gaadiidka dab damiska.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha shirkadaha shaqo-siinta gaarka ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii...

Saddex ka tirsanaa Khawaarijta oo saaka lagu fuliyay xukun dil ah

Waxaa saakay aroortii hore ayaa lagu fuliyay xukun dil...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo kulan la qaatay ururka Garsooreyaasha Bariga Afrika 

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed...

R/W Ku-xigeenka labaad ee Soomaaliya oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Koonfur Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka labaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...