General, Odowaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka oo tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Kumaandooska Danab+(SAWIRRO).

Date:

Munaasabadan oo lagu qabtay Xerada Ciidanka Kumaandoos Danab Balidoogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose islamarkaana ay ka qeyb galeen Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Sare Guuto Odawaa Yuusuf Raage iyo qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka ayaa waxaa Cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Dalka ee Danab loogu soo xeray tababar in mudo ay Xerada Bilidoogle ku qaadanayay kaasi oo ay bixinayeen Macalimiin ka tirsan Kumaandooska Danab waxaana Gacan ka geysanayay Dowlada Mareykanka.

Ugu horey Taliyaha Ciidanka Xooga dalka General Odawaa Yuusuf Raage ayaa waxaa uu halkaasi salaan sharaf kaga qaatay cutub ka tirsan Kumaandooska Danab.

Intii Munaasabada ay socotay ciidanka Kumaandooska ayaa waxaa ay soo badhigeen dhoola tus heerkiisu sareeyo kaasoo ay ka mid ahaayeen habka Cadawga loo bartimaameysto iyo Difaacul Nafsiaga iyo sidoo kale Dab-rid ay ka muuqato Xifrad Sare.

Madaxda Ciidan oo uu ugu horeeyo General Odawaa ayaa u riyaaqay Dhoola tuskan ay soo bandhigeen Ciidanka Kumaandooska Dalka ee Danab.

Madaxa Hogaanka Tababarda iyo Wacyi gelinta xooga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Axmed Ciise Axmed oo Munaasabada ka hadlay ayaa ku dheeraaday tababarkan iyo nuuciisa waxuuna yiri “Ciidanka Danab waa ciidan loogu talo galay in aqoonta gaarka ah ee la siinayo iyo Tababarka Adag in ay ku garab istaagaan kuna badbaadiyaan Umadooda islamarkaana ku caawiyaan Ciidamadooda kale”.

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto General Adawaa Yuusuf ayaa dhankiisa sheegay in ciidamadan Danab ee Tababarka u soo dhamaaday ay ka qeyb qaadan doonaan Howlgalada Umadda Soomaaliyeed looga dul qaadayo Dhibaatada Argagixisada Alshabaab waxuuna yiri.

“Tababarka aad qaadateen ee aad halkan ku soo bandhigteen oo qeybo kala gadisan isugu jiray oo runtii la dhihi karo waa wax aad iyo aad inoo farax galiyay guud ahaan marka waxaa na hortaalo Howl badan waxaana na sugaayo Umadda Soomaaliyeed oo marxalado kala duwan soo martay waxayna ku rajo weyn yihiin in meelaha Cadawga wali joogo in aad u timaadaan oo gacmihiin ugu dal qaadaan adinkoo kaashanaayo Allah”.

Ciidanka Xooga Soomaaliyeed ayaa guud ahaan Dalka Intiisa badan ka wada howlgalo lagu baacsanayo Haraadiga Maleeshiyaadka Alshabaab iyadoona Ciidanka Danab ay kaali lixaad leh ku leeyihiin howlgaladaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Horjooge Aadan Maxamed Cali Dhaayow ayaa lagu soo qabtay howlgal qorshaysan

Horjooge Aadan Maxamed Cali Dhaayow ayaa lagu soo qabtay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika

-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Shirka maalgashiga qurbejoogta oo Muqdisho ka furmay

Shirka Isku-imaatinka Maalgashiga Qurba-joogta Soomaaliyeed ayaa ka furmay maanta...

DHAMAYSTIRKA DASTUURKA WAA FURAHA XASILOONIDA DOWLADNIMADA

Qareen Mohamed Hassan Nur ayaa waxa uu ka qoray...