Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo la kulmay Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya.

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa maanta oo Isniin ah kula kulmay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Jamhuuriyadda Kenya, Mudane Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan”, kadib markii loogu yeeray shalay oo Axad ahayd wadatashi ku qotoma xiriirka Soomaaliya iyo Kenya.
Wasiirka Arimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa talooyin iyo tilmaamo siiyay Safiirka si uu u fuliyo, lana socdo, halka Danjire Maxamuud Tarsan uu wasiirka uga warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay.
Waxaa xusid mudan in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay ugu yeeratay Safiirkeeda Nairobi wadatashi, halka Safiirka Kenya ay ku wargelisay in uu dib ugu laabto dalkiisa, iyadoo ka jawaabeysa faragelinta qaawan ee kenya ay ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya gaar ahaan Jubbaland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...