UNHCR:Gurmad Xooggan ayay ubaahanyihiin qaxootiga Itoobiya ee Sudan ku sugan.

Date:

Hay’addaha gargaarka ee qaramada midoobe ayaa dalbaday 147 malyuun oo dollar si loo caawiyo qaxootiga itoobiya ee ku sugan dalka Sudan.

Filippo Grandi oo ah madaxa hay’adda UNHCR ayaa sheegay in dad kor dhaafaya 43,000 oo qof kuwaas oo ka soo cararay waqooyiga itoobiya ay iminka Sudan ku sugan yihiin.

Mr Filippo oo shalay booqday bariga Sudan oo ay qaxootigi degan yihiin ayaa sheegay in dadku ay u baahanyihiin  waxyaabaha daruuriga ah sida biyo , cunto iyo hooy.

Wuxuu sheegay in uu soo arkay caruur iyo dumar aad u itaal daran.

Inkastoo ciidanka itoobiya qabsadeen magaalada Mekelle ee waqooyiga itoobiya hadana waxaa saakay wali jiray qul qulka dadka colaada ka baxsanaya ee Sudan gaaraya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlay xoojinta amniga ayaa lagu qabtay magaalada Baydhabo

Hoggaamiyaha Kumeel-gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane...

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Duqeyn Qorsheysan Ka Fuliyay Deegaanka Ugunji ee Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...